U bood dhigaalka

Qarax khasaaro gaystay oo ka dhacay Dayniile

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxayo qarax khasaaro gaystay oo ka dhacay degmada Dayniile ee gobalka Banaadir.

Qaraxa ayaa mid miino ah waxaana lala beegsaday gaari nooca dagaalka ah ee Cabdi Bile, waxaana wararka ay sheegayaan in uu jiro khasaaro kala duwan.

Inta la xaqiijiyay saddex qof ayaa ku geeriyooday qaraxa, waxaana jira tira intaas ka badan oo dhaawac ah.

Goobjoog News