U bood dhigaalka

Qarax khasaaro gaystay oo ka dhacay gobalka Baay

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad aha yaa ka soo baxayo qarax khasaaro geystay oo ka dhacay deegaanka ceeldheere oo hoostaga degmada Bardaale ee gobalka Baay.

Qaraxa oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso, ayaa lala beegsaday mootada nooca loo yaqaano Bajaajta, xilli ay ku socdaaleysay deegaanka ceeldheere.

Inta la xaqiijiyay saddex qof ayaa ku geeriyootay, halka laba qof oo kale uu dhaawac soo gaaray, waxaana wararka ay sheegayaan in miinada ay ahayd mid soo boodda ah.

Dadka ay waxyeelada soo gaartay ayaa loo soo qaaday degmada Bardaale ee gobalka Baay, halkaas oo dadkii dhaawaca soo gaaray la dhigay isbitaalka.

Goobjoog News