U bood dhigaalka

Qarax Khasaaro Gaystay Oo Ka Dhacay Itoobiya

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro gaystay oo ka dhacay gobalka Amxaarada ee gudaha dalka Itoobiya, xilli xasilooni darro ay ka jirto gobalka.

Inta la xaqiijiyay 5 qof ayaa ku dhimatay qarax bambaano ah oo ka dhacay gobaka Amxaarada ee dalka Itoobiya, gelinkii dambe ee Isniinta.

Qaraxa ayaa ka dhashay kadib markii ciidamada Itoobiya ay isku dayeen in ay hub ka dhigis lagu sameeyo shaqsiyaad la xirxiray.

Saraakiil u hadashay booliiska ayaa sheegay in qaraxa uu dhacay kadib markii ciidamada dowladda ay isku dayeen in ay hubka ay ka qaadaan dadka la xirxiray, Waxaana qaraxa uu ka dhacay magaalada  Dessie  ee gobalka Amxaarada dalka Itoobiya.

Goobjoog News