U bood dhigaalka

Qarax khasaaro gaystay oo ka dhacay Jowhar

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa sheegaya in goordhaw qaax xooggan  uu ka dhacay agagaarka Hotel Nuur-doob.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari NOAH ah, ayaa ku qarxay afaafka hore ee Hotel-ka, waxaana wararka ay sheegayaan in gaariga la soo dhigay xalay, ciidamadana ay ka war heleen.

Inta la xaqiijiyay laba qof ayaa ku dhaawacantay, waxaana dadka ku dhaawacmay qaraxa la geeyay goobaha caafimaad ee magaalada.

Hotel-ka uu qaraxa ka dhacay ayaa dhawaan ay ahayd markii qarax sidaan oo kale ah uu ka dhacay, waxaana inta badan fadhiisto mas’uuliyiinta dowlad gobaleedka Hirshabeelle.

Goobjoog News