U bood dhigaalka

Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Afaafka hore ee Xarunta Taliska guud ee Ciidamada asluubka Soomaaliyeed.

Illa iyo hadda inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyoodey 10 qof halka in ka badan 10 kale uu dhaawac ka soo gaaray qaraxa.

Dad goobjoogeyaal ah oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in laga maqlay dhawaqiisa xaafadaha degmooyinka ka agdhaw Ex-control Afgooye.

Dadka qaraxa ku wax yeelobay ayaa isugu jir Askar iyo dad shacab ah, dadka ku dhaawacmay ayaana la geeyay goobaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaana ahaa mid gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa.

Goobjoog News