U bood dhigaalka

Qarax Lagu Dhaawacay Nin U Dhashay Dalka Turkiga iyo Ruux La socday Oo Muqdisho Ka dhacay

Sheeko:Dalka

Qarax nuuciisa uu yahay midka la hoos geliyo Baabuurta ayaa goor dhaw oo duhurnimadan ah wuxuu ka dhacay isgoyska KM-4 gaar ahaan  meel u dhaw Aargada.

Qaraxan oo jugtiisa laga maqlay qeybo ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa haleelay Gaari HILUX oo ay wateen labo mid ka mid ah uu ahaa  iyo Ajnabi.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay qaraxan inay ku dhaawacmeen  labadii ruux  ayagoo sheegay in ninka Ajinabiga ah uu u  dhashay dalka Turkiga waxaana  la sheegay inuu yahay Injineer iyo nin kale oo Somali ah oo gaariga ku waday.

Dhaawaca raggan ayaa la dhigay mid ka mid ah Isbitaalada Magaalada Muqdisho, halkaasi oo xaaladooda caafimaad lagula dabiibayo.

Ciidamada ammaanka oo goobta soo gaaray ayaa waxa ay wadaan baaritaan lagu ogaanayo halka gaarigan lagula soo xiray qaraxa iyo qofka bartilmaameedka ahaa.

Waa qarixii ugu horeeyay ee nuuciisa ka dhaca Magaalada Muqdisho, tan iyo markii la guda galay bisha barakeysan ee Ramadaan.

Goobjoog News