U bood dhigaalka

Qarax Lagu Weeraray Maqaayad Ku Taalla Degmada Qoryooley Ee Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax la sheegay inuu ahaa Bam gacanta laga tuuro oo lagu weeraray maqaayad ku taalla degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Maqaayaddaan waxaa ku sugnaa ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale dad shacab ah iyadoo halkaasi uu ka dhashay khasaare illaa iyo hadda aan la caddeyn inta uu la egyahay.

Guddoomiyaha degmada Qoryooley Maxamed Xaaji Cismaan oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid gaadmo ah, islamarkaana ay baxsadeen dadkii ka dambeeyay.

Waxa uu guddoomiyaha waxba kama jiraan ku sheegay warar ay Al-shabaab sheegeen oo ah in ay qaadeen dagaal fool ka fool ah qaraxa ka dib, ayna waxyeello soo gaarsiiyeen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in degmada Qoryooley aanay ku sugneyn askar dowladeed balse halkaasi ay joogaan ciidamo deegaan oo uu tilmaamay in amniga ay sugaan.

Xaaladda guud ee degmada Qoryooleey ayaa maanta ah mid deggan, iyadoo ay jirto howlgal ay wadaan ciidanka amniga ee degmadaasi ku sugan.

Goobjoog News