U bood dhigaalka

Qarax Lala Eegtay Kolonyo Uu La Socdey Guddoomiyaha Baydhabo

Sheeko:Dalka

Qarax Miino oo la sheegay iney ahayd mid dhulka lagu aasey ayaa maanta waxaa lala eegtay guddoomiyaha magaalada Baydhabo C/laahi Cali Maxamed Watiin oo socdaal ku tagey deegaanno ku dhow magaaladaasi.

Gudoomiyaha iyo kolonyadii la socotey oo kusoo wajahnaa magaalada Baydhabo ayaa la sheegay in Miinadan lala eegtay, waxaana halkaasi ku dhaawacmay askari ka tirsanaa ilaalada guddoomiyaha.

Ma jirin khasaare kale oo halkaasi ka dhashay, waxaana guddoomiyaha uu sheegay in ulajeedka socdaalkooda ahayd sidii ay usoo kormeeri lahaayeen deegaanno ku dhow magaalada Baydhabo oo abaarta ay saameysay.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxan lala eegtay kolonyadii uu la socdey guddoomiyaha Baydhabo, balse Al-shabaab ayaa marar badan sidan oo kale qaraxyo iyo weeraro kale waxay la eegteen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka K/galbeed.

Taliska Booliiska K/galbeed hadal dhawaan uu shaaciyey wuxuu ku sheegay in Al-shabaab ay diyaariyeen weeraro ka dhaca deegaannada uu ka arrimiyo maamulka K/galbeed.

Goobjoog News