U bood dhigaalka

Qarax lala eegtay Leerar cad-ceeda ku shaqeeya oo ku yaalay magaalada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

784Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi Laba qarax lala eegtay Nalalka ku shaqeeya cad-ceeda, kuwaa oo dhawaan halkaasi lagu muday.

Mid ka mid ah dadka ku sugan halka qaraxyadaan ay ka dhaceen ayaa sheegay in ay soo dhaceen Laba Baalle oo ay ku xirnaayeen Nalalkaan, kuwaa oo ku yaalalay xaafadda Israaca ee Magaalada Gaalkacyo.

Waxaa goobta qaraxyadaan ay ka dhaceen gaaray gudoomiyaha Gaalkacyo ee maamulka Puntland, iyo sidoo kale ciidamada amaanka, kuwaa oo bilaabay baaritaano arintaan la xiriira.

Waa markii ugu horeysay oo qaraxyo lala eegto Leerarka ku shaqeeya Cad-ceeda, balse horay ayaa sidaan oo kale looga bartay magaalada Muqdisho oo dhowr baalle lagu qarxiyay.

Goobjoog News