U bood dhigaalka

Qarax Lala Eegtay Ciidamada Maamulka Jubbaland Duleedka Magaalada Kismaayo

Sheeko:Dalka

ciidamadda jubbalandQarax ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa tuulada Buulo Guduud iyo Goobweyn ee gobolka Jubbada Hoose kaasi oo lala eegtey gaari tikniko ah oo ay saarnaayeen ciidamada maamulka Jubbaland.

Gaariga ayaa kusoo jeedey magaalada Kismaayo, waxaana ku qarxay miinada dhulka lagu aaso, waxaana jira warar ka hadlaya in ay ciidamo dhawr ah ku dhaawacmeen qaraxa, balse wali lama xaqiijin karo tirada iyo sida dhaawacyada u kala daranyihiin.

Horey ayaa qaraxyo kuwa oo kale ah loola eegtey ciidamada maamulka isla aagaasi.

Wixii warar ah ee kusoo kordha dib ayaan kasoo tabin doonaa

 

Dhageyso

Goobjoog News