U bood dhigaalka

Qarax Loo Adeegsaday Gaari Oo Goor Dhow Ka Dhacay Degmada Wadajir Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Qarax aad u xooggan islamarkaana loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa goor dhow wuxuu ka dhacay nawaaxiga xarunta degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Dhawaqa qaraxan ayaa laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho, waxaana warar kala duwan kasoo baxayaan in gaariga uu saarnaa qof is qarxiyey iyo in kale.

Waxaa qaraxan ka dhashay khasaare kala duwan, inkastoo weli si rasmi ah aan loo hayn khasaaraha inta uu la egyahay.

Gaadiidka gurmadka ah ee Ambalaasta ayaa halkaasi kasoo daabulaya dadka ay waxyeellada kasoo gaartay qaraxan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News