U bood dhigaalka

Qarax Sabab Dhimashada Mas’uuliyiin Ka Tirsan Gobalka Hiiraan Oo Ka Dhacay Baladweyne

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in goordhaw uu qarax xooggan uu ka dhacay saldhiga degmada Balaweyne.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa miinaco, kaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobalka Hiiraan.

Illa iyo hadda inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku geeriyooday duqii degmada Feerfeer Khaliif Garaad Rooble, halka dhaawacyo ay soo gaareen Guddoomiyaha degmada Feerfeer Mahad Beyle iyo taliyaha saldhiga magaalada Baladweyne col. Maxamed Qorshel.

Wixii faahfaahin ee ku soo kordha warkan kala soco Goobjoog News