U bood dhigaalka

Qarax Xildhibaano Ay Ku Dhaawacmeen Oo Ka Dhacay Jowhar

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa sheegay in xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dowlad gobalkeedka Hirshabeelle ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay magaalada.

Xildhibaanada qaraxa ku dhaawacmay ayaa kala ah Xildhibaan Maxmed Cabdi Cali iyo Cabdiraxmaan Cabdi Iidow, kuwaas oo ka tirsan mudanayaasha golaha wakiilada Hirshabeelle.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa mid la dhigay wadada hareeraheeda, kaas oo xildhibaanada uu haleelay xilli ay marayeen bartamaha magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle.

Goobjoog News