U bood dhigaalka

Qarax Xooggan Oo Goor Dhow Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Qarax aad u xooggan islamarkaana Ismiidaamin ah ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay xaafadda Buulo Xuubey ee degmada Wadajir gaar ahaan dhabarka dambe ee Soomaali Airline.

Goob joogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News, in qaraxan uu ahaa gaari laga soo buuxiyey walxaha qaraxa, waxaana dhanka kale la sheegayaa in gaarigan uu ku qarxay bar Koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qaraxan ayaa ahaa mid dhowaqiisa laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho, iyadoo weli aan la ogeyn khasaaraha halkaasi ka dhashay.

Gaadiidka gurmadka degdegga ah ayaa ku qulqulaya halka qaraxan uu ka dhacay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News