U bood dhigaalka

Qaraxa Dhimasho Iyo Dhaawac Sababay Oo Ka Dhacay Wadada Makka Al-mukarrama ee Magaalada Muqdisho (SAWIRO IYO DHAGEYSI)

Sheeko:Dalka

Qarax Miino ayaa ka dhacay wadada Makka Al-mukarrama ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska Taleex oo ku dhaw Aargada Km-4.

Qaraxa ayaa ahaa mid lagu xiray gaari nooca yar yar ah oo uu saarnaa mid ka mid ah Shaqaalaha shirkad duulimaad oo lagu magacaabo Dhayman, taas oo magaalada Muqdisho ka howlgasha.

Waxaa halkaasi ku geeriyooday shaqsigii gaariga saarnaa, iyadoo sidoo kale ay ku dhaawacmeen Laba ruux kale.

Qaraxa ka dib ayaa goobta waxaa gaaray ciidamada dowladda Federaalka, gaar ahaan kuwa saldhiga degmada Hodon oo uu horkacayo Taliyaha saldhigaasi Maxamed Daahir.

Maxamed Daahir ayaa saxaafadda u sheegay in qaraxaan ay ka dambeeyaan sida uu sheegay Al-shabaab, waxaana uu tilmaamay in qofka lala eegtay qaraxaan uu ahaa shacab, isaga oo shacabka ugu baaqay in ay kaalin ka qaataan sidii loola dagaalami lahaa cid walba oo amniga dhibaato ku hayso.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

 

Halkaan Hoose Ka daawo sawirada.

 

DSC_0035

DSC_0032

DSC_0033

 

DSC_0040

 

DSC_0047

DSC_0090

DSC_0129

 

 

 

Goobjoog News