U bood dhigaalka

Qaraxa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Amniga

Qarax xooggan oo loo adeegsaday gaari ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay nawaaxiga taalada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News, in gaarigan uu ku ag qarxay meel ku dhow wasaaradda Batroolka, waxaana ka dhashay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhimatay qaraxa halka 4 kale ay ku dhaawacmeen qaraxa, sidaasi waxaa sheegay goobjoogayaal.

 

Goobjoog News