U bood dhigaalka

Qaraxa Zoobe 4 sano Kadib: Dhimasho 600, Dhaawac 700 iyo Hanti Burbbur $6 Mliyan

Sheeko:Amniga

Maanta waxa ay ku beegan tahay 14 October 2021, waxaana 4 sano kahor maanta oo kale qarax xooggan uu ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Waxa ay ahayd xilli Casir ah, wadada Zoobe waxa ay ahayd mid aad iyo aad u mashquul ah, waxaana dhan walbo oo isgoyska iyo meelaha ku dhow ah ku sugnaa boqolaal shacab ah.

Gaari weyn oo ka yimid dhanka wadada Afgooye ayaa si lama filaan ah ugu qarxay meel qiyaas ahaan wax ka yar 10 Mitir u jirta isgoyska Zoobe, taas oo sababtay iney ku dhintaan in ka badan 600 halka dhaawaca lagu sheegay 700, iyada sidoo kale ay ku waxyeeloobeen hanti ka badan $6 milyan oo doolar.

Qaraxan ayaa noqday midkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Afrika, waxaana ilaa hadda aan la dhisin qaar ka mid ah guryihii wax ku noqday.

Goobjoog News