U bood dhigaalka

Qaraxii Daallo Airline: Billow ilaa Dhammaad

Sheeko:Dalka

Hadda waxaa la xaqiijiyay in qaraxii diyaaradda Daallo loo adeegsaday Laptop laga buuxiyay waxyaalaha qarxa.

Hey’adaha ammaanka waxaa ay xaqiijiyeen in dad badan arrinkaas u qabteen laakiin ma sheegin magacyada dadkaas iyo sida ay ugu lug leeyihiin qaraxii dhacay.

Cali Jamac Jingili wasiirka duulista Soomaaliya oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in qaraxa ay diyaaradda ku dhaawacmeen ——–oo kala ah: Cabdirashid Cabdi Ismaciil iyo Ismaciil Cali Cosoble halka uu ku dhintay Cabdulahi Cabisalaan Boorleh oo 50 jir ah meydkiisana laga helay Balcad.

Illaa iyo hadda hey’adaha ammaanka sooma saarin silsilidda sida ay wax u dhaceen, mana sheegin in ninka meydkiisa la helay uu ahaa ninka qaraxa siday iyo in kale.

Isniintii waxaa VOA sheegtay in nin da’diisu 40 jir tahay uu ahaa maskaxdii ka dambeysay qaraxii Daallo, ninkan kuma jiro dadka la qabtay sida idaacadda ay sheegtay.

Waxaase la sheegi karaa dhowr arrin:

In hey’adaha amniga oo isticmaalaya adeegga Camerada qarsoon ay heleen dadkii laptop-ka gudaha soo geliyay, qofkii loo dhiibay iyo dhammaan sida ay wax u dhaceen.

In diyaaraddii rag ka tirsan shaqaalaha garoonka Aden Cadde ay ku lug lahaayeen qaraxa, sida fududeynta, gudbinta Laptop-ka iyo xitaa arrinta la xiriirta safrinta qofka isku qarxiyay diyaaradda.

In Labadii nin ee Laptop-ka  u dhiibay ay ka hareen, ninka ka soo dhacay diyaaradda ayey hey’adaha ammaanka sheegeen in uu ahaa ninkii Laptop-ka loo dhiibay si uu u qarxiyo diyaaradda Daallo.

In Saraakiil ka socota FBI-da Mareykanka ku soo biireen baaritaanka qaraxii Daallo iyagoo Soomaalida ka caawiyay sababta qaraxa iyagoo ay wada shaqeeyeen Mareykanka iyo Soomaalida.

In NISA ay qabatay  23 qof ayaa loo xiray qaraxii diyaaradda Daallo, iyagoo haatan wada baaritaan arrinkaas ku saabsan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in nin ka mid ah labadii nin ee ninka Laptop-ka u dhiibay lagu dilay qarax ka dhacay Dharkeynley ee magaalada Muqdisho.

Arrimaha la xiriira Qaraxa Diyaaradda:

Colaad Ibrahim Yasin Gabaxi oo ah maamulaha diyaaradda Daallo ayaa tacsi u diray dadkii ku waxyeeloobay isagoo bogaadiyay Kabtan-ka diyaaradda sheegayna in uu muujiyay geesinimo iyo khibrad.

Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamud waxaa uu sheegay in cid walba oo Airportiga ku shaqo lahaa ay mas’uul ka yihiin wixii dhacay, isagoo hey’adaha dowladda faray in ay saacidaan hey’adaha amniga oo xitaa suumanka la bixiyo oo aan mucaamilo gaar ah la siin dadka madaxda ah.

Waxaa jirta saameyn xoogan oo ku timid duulimaadyadii imaan jiray magaalada Muqdishu, waxaa weli jira cabsida laga qabo arrintaas.

Waxaa istaagay duulimaadyadii Muqdisho illaa Dubai, waxaa kaloo horay u istaagay duulimaadkii diyaaradda Turkish Airways ee ay ku imaan jirtay magaalada Muqdisho, iyadoo cabsi badan ay jirto oo dhanka duulimaadyada ah.

Hey’adaha ammaanka Soomaaliya ayaa laga sugayaa in ay soo bandhigaan halka uu marayo baaritaanka ay sameeyeen iyo dadka la soo xiray inta ku lugta leh qaraxii dhacay iyo inta wax lagu waayey ee la sii daayey.

Goobjoog News