U bood dhigaalka

Qaraxyo Ismiidaamin Ah Oo Lagu Qaaday Suuq Ku Yaalla Jaziiradda Koulfoua Ee Dalka Chad

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan 15 ruux ayaa ku geeriyootay 130 kalana waa ay ku dhaawacmeyn ka dib weeraro Ismiidaamin ah oo is xig xigay markii lagu qaaday Jasiiradda ku taalla dalka Chad.

Saraakiisha ammaanka dalkaa ayaa sheegay in weerarku uu kadhacay jasiiradda Koulfoua oo ku taalla dhinaca Warta Chad gaar ahaan Suuq aad u mashquul badan.

Tv maxaliya ayaa sheegay in dhimashadu ay gaartay 19 ruux dowladduna ay ku howlantahay baaritaanka ciddii ka dambeysay dhacdadan.

Saraakiisha dalkaa ayaa mar sii horeysay laga soo xigtay in ay sheegeen in ugu yaraan 27 qof ay dhinteen Saddex weerar oo ay fuliyeen sida la sheegay Afar haween ah.

Laba qarax ayaa gil gishay bartamaha goob suuq ah halka kan kalana lala beegsaday dad dhacdadan ka baxsanayey oo meel laami ah u soo orday.

Weerarkan ayaa loo arkaa shaqo ay qabatay kooxda Boko Xaraam ee ka dagaalanta dalka Nigeria, taas oo digniino isdaba joog ah u jeedineysay dalka chad.

General Banyaman  oo ah sargaal sare oo ka dirsan ciidamada  dalkaa ayaa wakaladda wararka ee AP u sheegay in weerarkan ay Boko Xaraam soo abaabushay.

Dowladdda Chad ayaa xaalad deg deg ah ku soo rogtay gobolka Lake Chad oo ah halka weerarku uu ka dhacay.

Waxana xukuumadda dalkaa ay u daad gureysay goobtaa ciidamo gaaraya 5,000 oo loogu tala galay la tacaalidda xaaladda kalkaa ka jirta.

Sanadkii la soo dhaafay kumanaan kun oo ruux ayaa ka soo cararay dalka Naigeria iyo dhulka ku yaalla xuduuda dalkaa iyaga oo ka cabsi qaba in Boko xaraam ay dhibaateeyso.

Dalka chad waxaa Naigeria ka jooga ciidamo dagaal kula jira Boko xaraam.