U bood dhigaalka

Qaraxyo Ka Dhacay Degmada Buulo-burde

Sheeko:Amniga

Warar ka duwan ayaa waxaa laga helayaa qaraxyo saaka ka dhacay goroonka diyaarada degmada Buulobude ee gobolka Hiiraan.

Qaraxyadaan oo ahaa Miinada dhulka lagu aaso ayaa si gaar waxaa ay ugu dhaceen hoolka nasiinada garoonka, waxaana soo gaaray burbur xoogan.

Wararka sheegayo  in qaraxyada aysan geysan wax khasaare nafeed ah, marka laga reebo burburka soo gaaray qeybta nasiinada ee garoonka diyaaradaha.

  Goobjoog News