U bood dhigaalka

Qaraxyo Ka Dhacay Magaalooyinka Jalalaqsi iyo Buulo Burde oo Buundadii Go’day

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in siyaabo kale duwan sedex qarax ay uga dhaceen degmooyinka Jalalaqsi iyo Buulo Burde, waxaana ay geysteen khasaare isugu jira dhimadho iyo dhaawac, iyadoo warar laga helayo sida ay u dhaceen.

Laba qarax oo ka dhacay degmada Jalaqsi, gaar ahaan xerada ciidamada Midowga Afrika, wararka soo baxaya ayaa sheegaya   inuu goobtaa  ku geeriyooday guddoomiyihii degmada Maxamed Nuur Cagajoof dabaashe, waxaana jira dad kale oo wax ku noqday qaraxa.

Degmada Buulo Burde ayaa sidoo kale waxaa ka dhacay qarax la sheegay inuu fuliyay ruux isasoo miidaamiyay xiray ayaa waxaa uu ka dhacay bartamaha Buundada, waxaana uu geystay khasaare, hal qof ayaa ku geeriyooday halka  ilaa afar ruux ayaa ku dhaawmeen.

Waxaa dhanka kale qaraxa ka dhacay Buulo Burde uu khasaare burbur ah u geystay Buundada magaalada oo marin muhiim ah u aheyd isku socdka gobolka qeybihiisa kale duwan, waxaana soo baxaya wararka dheeraadka ah ee la xiriira qaraxyada ka dhacay Hiiraan.

Qaraxyadaan ayaa waxaa ay kusoo aadayaan xilli gobolka qeybo badan oo ka mid ah ay ka socdaan howlgallo ay wadaan ciidanka dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka, waxaana xusid mudan dhowaan qarax ka dhacay Baladweyne uu dhaliyay khsaare xoogan.

Goobjoog News