U bood dhigaalka

Qaraxyo ka dhacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Faahfaahinno dheeraad ah ayaa waxaa ay ka soo baxayaan qaraxyo isxigxigay oo  ka dhacay wasaaradda waxbarashada Hidaha iyo tacliinta sare, kadib markii laba gaari lagu weeraray dhismaha wasaaradda, waxaana ka dhashay khasaare kale duwan oo soo gaaray dad shacab iyo saraakiil ciidan.

Qaraxyada ayaa geystay khasaare kale duwan oo khimasho iyo dhaawac isugu jira, waxaana ilaa iyo hadda aan si dhab ah loo ogeyn dadka shacabka ah ee wax ku noqday, marka laga reebo Taliyihii Booliiska degmada Hodan Xuseen Cadceed iyo Wariye Maxamed Ciise Koonaa oo geeridooda la xaqiijiyay.

Waxaa sidoo kale ay dhaawacyo kale duwan ay soo gaareen tiro wariyeyaal ah, sida Wariye Cabdulqaadir OK oo ka tirsan VOA-da, Feysal Cumar oo ahaa sawir qaade ka tirsanaa wakaaladda wararka Rotels , waxaa kale oo jira dad shacab oo ka cuntaynayay maqaayadda Fatxi oo la isugu yimaado.

Goobjoog News