U bood dhigaalka

Qaraxyo Ka Dhacay Sh/hoose Iyo Ciidanka DFS Oo Howlgallo Wada (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in Labada qarax lala eegtay askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Qaraxyadan ayaa ka kala dhacay deegaannada Sabiib iyo Balidoogle, sidey inoo xaqiijiyeen dad halkaasi ka dhow.

Qaraxa Koowaad ayaa lala eegtay gaari nooca dagaalka ah oo ciidanka ay saarnaayeen, waxaana la xaqiijiyey dhimashada Labo askari, iyo dhaawaca Saddex kale.

Sidoo kale, qaraxa Labaad oo isna miino dhulka lagu aasay ahaa ayaa lala eegtay gaaro nooca Booyadda ah oo shidaal u wadday ciidan ku sugan Ballidoogle, Shabellaha Hoose, waxaana ka dhashay khasaare aan weli si rasmi ah loo shaacin inta uu la egyahay.

Dhanka kale, ciidanka xoogga dalka ayaa lagu soo waramayaa iney ku baxeen deegaanno dhowr ah oo Al-shabaab kaga sugan yihiin gobolka Shabellaha Hoose.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News