U bood dhigaalka

Qaraxyo Ka Dhacay Xarunta Gobolka Magaalada Baladweyne

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo magaalada Baladweyne ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxyo loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyay qaraxyo lagu weerar xerada lama galaay ee magaaladaas, taas oo ah goob ay degan yihiin ciidanka madaxtooyada Hirshabeelle, waxaana kasoo baxay warar kale duwan.

Qaraxyada ayaa waxaa la sheegay in ay ahaayeen laba gaari, waxaana si gaar ah ay uga dhaceen xarunta gobolka, iyadoo mid kamid ah qaraxyada uu ka dhacay afaafka hore ee xarunta halka midka kale uu ka dhacay gudaha, waxaana aaga uu qaraxu ka dhacay laga maqlayaa rasaas ay ridayaanka dowladda.

Xerada Lama galaay ayaa waxaa la xasuustaa qarax ka dhacay Mar 23, 2022 lagu dilay Allah unaxariistee  Aamina Maxamed Cabdi oo ka tirsaneyd xildhibaannada Baarlamaankii 10-aad ee Jamuuriyadda xilli ay u tartamaysay kursiga ay ku fadhisay, waxaana sidoo kale goobtaas ku dhintay in ka badan 100 ruux.

Laso wixii kasoo kordha.

Goobjoog News