U bood dhigaalka

Qaraxyo Khasaare Dhaliyey oo Ka Dhacay Balcad

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in gelinkii dambe ee maanta ay qaraxyo ka dhaceen  degmada, waxaana kasoo baxayo warar kala duwan khasaare ka dhashay.

Qaraxayada ayaa waxaa la sheegayaa in ay aheen miino la geliyey meel aan sidaas uga fogeyn Koontrool ay degan yihiin ciidamo ka tirsan dowladda, waxaana wararku ay sheegayaan in wax yeello kasoo gaartay askar iyo shacab.

Qaraxa koowaad ayaa markii uu dhacay waxaa goobta soo gaaray ciidamo  Boolis ah, kuwaas oo goobta xiray, waxaana islamarkiiba dhacay qaraxa labaad oo goobta lagu sii diyaariyey waxaana uu sababay khasaare.

Inta la xaqiijiyey waxaa geeriyooday laba ruux oo shacab ah, sideed kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in qaraxii hore ay ku geeriyoodeen laba askari halka sedex kale ay dhaawacmeen.

Degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay qaraxyo lagu lala eegtay ciidanka waxaana inta badan mas’uuliyadooda sheegta Al*shabab oo dagaal kula jira ciidamada dowladda iyo AMISOM.