U bood dhigaalka

Qaraxyo Waawayn oo ka dhacay degmooyinka Buuloburte Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo degmada Buuloburte ee gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax wayn uu ka dhacay gudaha magaalada.

Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka masjidka wayn ee magaalada Buuloburte  waxaana la soo warinaya in uu ka dhashay khasaaro kala duwan.

Inta la xaqiijiyay dad ka badan 10 qof ayaa ku geeriyootay qaraxa, waxaana uu dhaawac ka soo gaaray dad kor u dhaafaya 30 qof oo shacab ah.

Xilliga uu qaraxa dhacayay ayaa ahayd xilli mashquul badan uu ka jiray wadada, waxaana taas ay keentay in khasaare badan uu ka dhasho qaraxa.

Masjidka wayn ee magaalada iyo qaybo kamid ah goobihii ka agdhawaa ayaa  waxaa soo gaaray burbur xooggan.

Dhinaca kale degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan ayaa la soo warinayaa in uu qarax xooggaan uu ka dhacay, waxaana qaraxa ku dhintay dad shacab ah.

Qaraxyadaan ayaa imaanaya xilli ay gobalka Hiiraan ka socdaan hawlghallo ka dhan ah ururka alshabaab kuwaas oo ay wadaan ciidamada dowladda, maamulka gobalka iyo dadka deegaanka.

May be an image of sky

Goobjoog News