U bood dhigaalka

Qaraxyo waawayn oo ka dhacay Maxaas

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in subaxnimadii hore ee saaka ay xubna ka tirsan ururka al-shabaab ay qaraxyo xooggan ku weerareen magaalada.

Qarax koowaad ayaa ka dhacay bartamaha magaalada Maxaas, sidoo kale waxaa qaraxa kale lala beegsaday guri uu daganaa xildhibaan Jacfar oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka.

Inta la xaqiijiyay dad shacab ah oo aad u fara badan ayaa ku geeriyooday qaraxyada oo ay mas’uuliyadooda ay sheegteen ururka alshabaab.

Goobjoog News