U bood dhigaalka

Qaraxyo Waxyeello Kasoo Gaartay Mas’uuliyiin Oo Ka Dhacay Degmada Buurdhuubo, Gedo

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Buurdhoobo ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in qaraxyo is xig xigay oo ka dhacay degmadaasi ay waxyeello kasoo gaartay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmadaasi.

Guddoomiyaha degmada Buurdhoobo, ku xigeenkiisa, madaxa maaliyadda degmadaasi iyo shaqsi kale ayaa ku dhaawacmay qaraxyadan.

Cali Daahir Yarow oo ah madaxa arrimaha bulshada degmada Buurdhoobo oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in guddoomiyaha degmadaasi uu dhaawac kasoo gaaray dhanka gacanta halka ku xigeenkiisana dhanka Lugta uu ka dhaawacmay.

Qaraxa ay ku waxyeeloobeen mas’uuliyiintaan ayaa lagu aasay meel maqaayad ah, markii ay fariisteenna waxaa la sheegay in miinadu qaraxday, waxaana daqaaqado kadib la maqlay isla qarax kale.

Halka qaraxa uu ka dhacay waxaa ku sugan askar ka tirsan dowladda Federaalka oo baaritaanno wada, lamana oga in khasaaraha uu dhaawaca 4-ta qof ka badan yahay iyo in kale.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News