U bood dhigaalka

Qatar Iyo Mareykanka Oo Is Ka Kaashanaya La Dagaalanka Argigixisada Iyo Xajirnimada

Sheeko:Dalka

Wasiirka arimaha dibadda ee dowladda Qatar Maxamed Cabdraxmaan Aala Thani  ayaa waxa uu qadka taleefoonka uu kula xiriiray dhiggiisa Mareykanka Rex W. Tillerson iyaga oo ka wada hadlay sidii Mareykanka iyo Qatar ay iskaga kaashan la haayeen la dagaalanka argigixisada.

War ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee Qatar ayaa waxaa lagu sheegay in labada dal ay xoojin doonaan heshiisyadii ay ku kala saxiideen madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Amiirka Qatar  Sheikh Tamiim Binu Xamada dalka Sacuudiga inta uu socday shirmada-xeedkii u dhaxeeyay Mareykanka iyo dowladaha Islaamka.

Doxa iyo Washington ayaa waxay iska kaa shan doonaan adkeynta dhinacyada Siyaasadda, Dhaqaalaha, Amniga, iyo dhanka millatariga si loo xaqiijiyo danaha kawada dhaxeeya labada dowladood.

Hadalkaani ayaa waxa uu ku soo aadayaa maalmo ka dib markii la jabsaday wakaaladda wararka ee dowladda Qatar taasi oo lagu baahiyay warar been abuur ah oo uu san dhihin sida la sheegay amiirka dowladda Qatar Sheikh Tamiim Binu Xamda, wararkaasi oo sheegayay inuusan wanaagsaneyn xiriirka u dhaxeeya Qatar iyo Mareykanka.

Goobjoog News