Amiirka dowladda Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamda ayaa gaaray magaalada Moscow ee caasimadda Ruushka, halkaas oo uu ku tagay booqasho shaqo oo qaadaneysa laba maalmood, ka dib markii uu dhiggiisa madaxweynaha Ruushka uu ka helay marti-qaad.
Amiirka Qatar iyo Vladamir Putin ayaa waxaa ay kawada hadli doonaan arrimaha bariga dhexe, gaar ahaan xaaladda Suuriya iyo Falastiin, sidoo kale waxaa ay kawada hadli doonaan dhinacyada iskaashiga ganacsiga, Millatariga iyo dhaqanka.
Qatar iyo Ruushka ayaa horay waxaa ay u saxiixdeen bishii October ee la soo dhaafay heshiis ku saabsan dhanka iskaashiga Millatariga.
Goobjoog News