U bood dhigaalka

Qatar Oo Ku Baaqday In La Xalliyo Dhibaatada Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Dowladda Qatar ayaa ugu baaqday beesha Caalamka in ay mideeyaan dedaalladooda ku aadan sidii xal loogu heli lahaa Soomaaliya iyo in la ilaaliyo madaxbannaanideeda.

Arrinkan ayaa yimid markii hadal uu ka jeediyay wasiiru dowladaha arrimaha dibadda Qatar Sultan bin Saad Al Muraikhi Madashii Caalamiga aheyd ee arrimaha Soomaaliya taasi oo lagu qabtay Talaadadii Brussels ee xarunta Belgium-ka.

Wasiirka ayaa sheegay in ka qeyb-galka bulshada Caalamka ee Madasha ay xoojineyso dedaallada xal raadinta Soomaaliya, si Soomaaliya ay u ilaashato qarannimadeeda iyo in la xaqiijiyo danaha waddanka si loo dhiso amnigeeda iyo hay’adaheeda si Shacabka Soomaaliyeed ay u helaan nolo wanaagsan, wasiirka ayaa tilmaamay in arrintaasi aysan suuroobeyn ilaa inta uu Caalamka ka mideynayo dedaalladiisa ku aadan Soomaaliya.

Wasiirka oo arrintaasi ka hadlayay waxaa uu yiri “ Iyada oo wax lagu dhisayo horumarka hadda la gaaray, waxaa waajib nagu ah in aan Soomaaliya taageerno iyo in aan oofinno ballamaheenna annaga oo Ixtiraameyno madaxbannaanida Soomaaliya iyo in aannu farogelin arrimaheeda gudaha ah sida uu qabo sharciga caalamiga ah”.

Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo taageerada howlgalka Midowga Afrika ee (AMISOM),gaar ahaan Qaramada Midoobay.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay in dowladda Qatar ay sii wadi doonto kaalmooyinka ay siineyso Soomaaliya iyada oo xubin firfircoon ka noqon doonta bulshada Caalamka, waxaa uu tilmaamay nabadgelyada, amniga iyo xaquuqul insaanka inay yihiin kuwo isku xiran hadana ah wadada kaliya oo looga fogaan karo xagjirnimada iyo argigixisinimada.

Goobjoog News