U bood dhigaalka

Qatar oo Mareykanka Garab Ka Heysata oo Farmaajo Ku Qasabtay inuu Ka Laabto Muddo Kordhinta

Sheeko:Amniga

Ra’isul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka arrimaha dibadda Qatar Maxamed Bin Cabdiraxmaan Aala taahni oo wareysi gaar ah siiyey Al-Jazeera ayaa sheegay sida ay aheyd warqadaha Amiirka Qatar u kala diray Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya

“Muhiimadda ergeyga waxaa ay aheyd inuu dhambaal khaas ah u geeyo Madaxweyne Farmaajo alla ha xifdiyo mid kalana Madaxweynaha Kenya. Dhambaalka loo diray Madaxweynaha Soomaaliya qalaasaha ka jira xaaladda gudaha Soomaaliya iyo ku boorinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo kooxaha kasoo horjeeda in la wada hadlo, lana heshiiyo arrimaha la xiriira doorashada soo socota iyo in Soomaaliya lagu dhiirigeliso soo celinta xiriirka iyo dejinta qalalalaaiyaha u dhaxeeya iyada iyo Kenya.

Dhambaalka Kenya waxaa ay xoogga saareysay taageerada dadaalada Soomaaliya iyo taageerada soo celinta xiriira Soomaaliya, waayo Qatar waxaa aragtaa in qalalaase ka jira labada dal maslaxadda uguma jira labadooda iyo gobolka.