U bood dhigaalka

Qatar soo wajahday Ganacsatada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika

Sheeko:War

Xaalada ganacsatada soomaaliyeed, ee ku sugan dalka koonfur afrika ayaa laga deyrinayaa, xili ay sii kordhayaan weerarada hubaysan eey kaga imaanaya kooxo burcada ah, oo doonaya in ay dhacaan hantida ay halkaasi ku heystaan.

Inta badan markii la soo gaaro dabayaaqada sanad kastaa waxa ay kooxaha burcada ah ay xoojiyaan weerarada ka dhan ka ah Soomaalida maheradaha ganacsi ku leh dalkaasi, si ay u helaan hanti badan oo ay ku damaashaadaan sanadka cusub .

Axmed Aweys oo ka mid ah ganacsatda goobaha gancsi ku leh dalkaasi oo dhawaan soo gaaray magaalada muqdisho ayaa Goobjoog Fm u sheegay in xaalada ganacstada Soomaaliyeed ee dalkaasi ku sugan ay xiligan tahay mid cakiran, sababtoo ah waxa yiri “waxa aad u badan weerarada ay kala kulmayaan kooxo hubaysan”

Koonfur afrika waa mid ka mid aha dalalka ay Soomaalida ku leedahay ganacsi badan, in qarash ay ka hadane waxa aad u badan qataraha ay ka soo wajaha.

Bishaan oo kaliya waxaa dalka Koonfur Afrika ka dhacay weero geystay qasaare isugu jira dhimasho, Dhaawac iyo Boob Hanti.