U bood dhigaalka

Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan xerada Dhadhaab oo xaalad adag laga soo sheegayo (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

DhadhaabWaxaa xaalad adag oo dhanka nolosha ah laga soo sheegayaa qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan xerada Dhadhaab ee waqooyi Bari Kenya, ka dib markii WFP ay dhimis ku sameeysay raashiinkii lasiin jiray dadkaasi.

Gudoomiyaha Guud ee Xerada Dhagaxleey Cabdulaahi Cali Geedi oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in dadka ay hadda lasoo deristay xaalad adag oo dhanka Nolosha ah, isaga oo sheegay in Raashiin yari iyo caafimaad darro isku darsantay.

Waxa uu hogaamiyahaan sheegay sidoo kale in ay jiraan dad ku xanuunsaday raashiin ay cuneen, isaga oo tilmaamay in dhamaan hay’adihii samafalka ay ka masquuleen dadka ku sugan xeryaha Qaxooti ee dalka Kenya, halka ay ku mashquuleen wadamo Syria ay ka mid tahay.

Dhinaca kale Isbitaalada ayuu sheegay in ay jiifaan dad u badan caruur oo la il daran nafaqo darri, iyadoo aan loo hayn ilaa hadda wax dadkaasi lagu daweeyo, ama nafaqadooda dib loogu soo celiyo.

Cabdulaahi ayaa sheegay in Qaxootiga dareen badan ay ku dhalisay arintaan taagan, waxaana dadka qaarkood ay dalbadeen in dib loogu celiyo dalkooda, maadaama halkaasi aanay nolol ku haysan.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News