U bood dhigaalka

Qaxootiga Yemen Ee Ku Sugan Hargeysa Oo Gurmad Raashin Ah La Gaarsiiyay

Sheeko:Dalka

Qoysas kasoo jeeda dalka Yemen islamarkaana qaxooti ku ah magaalada Hargeysa ayaa waxaa la gaarsiiyay gurmad raashin ah oo ay bixisay mid ka mid ah Hay’adaha samafalka ah.

Ku dhawaad 500 oo qoysas Reer Yemen ah ayaa loo qeybiyay raashiin isugu jira Bariis, Bur, Sokor, timir iyo Caano, waxaana u qeybisay hay’adda Samsam Foundation.

Qaxootiga la siiyay Raashiinkaan ayaa u mahad celiyay hay’adii u keentay gargaarkan iyo maamulka Somaliland, waxaana shacabka Soomaaliyeed ay ku amaaneen dadaalka ay u sameeynayaan walaalahooda Yemen.

Tan iyo markii dalka Yemen ay ka bilawdeen dagaallada waxaa dalkeena qaxooti ahaan usoo gaarayay shacab badan oo reer Yemen ah, waxaana sidoo kale jirta muwaadiniin Soomaaliyeed oo iyaguna dalka dib ugu soo laabtay.

Goobjoog News