1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka In ka badan 4000 oo Macdan qodayaal ah oo ku xayiran god dahabka laga qodo oo ku yaalla koonfur Afrika In ka badan 4000 oo macdan qodayaal ah ayaa laga cabsi qabaa inay ku xayiran yihiin god laga soo saaro dahabka oo ku yaalla dalka Koonfur Afrika, waxaana socda dadaallo dadkaas lagu samata-bixinayo.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Waa kuma ninka Caanka ah ee isdilay? Mid ka mid ah dadka caanka ahaa ee u dhaqdhaqaaqi jiray xuquuqul insaanka Iran ayaa is dilay isagoo ka soo horjeeday waxa uu ugu yeeray kalitaliska hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatullah Cali Khamenei.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Qaraxyo ka dhacay dalka Brazil Garsoorayaasha iyo howlwadeennada Maxkamadda Sare ee Brazil ayaa si deg deg ah looga daad-gureeyay dhismaha maxkamadda ka dib marki ay laba qarax oo waaweyn ka dhaceen meel u dhaw maxkamadda, sida ay sheegeen booliska dalkaasi.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Ugu yaraan 15 maxbuus oo ku dhintay rabshado ka dhacay xabsi ku yaalla dalka Ecuador Ugu yaraan 15 maxbuus ayaa ku dhintay 14 kalena way ku dhaawacmeen iska horimaad ka dhacay xabsiga ku yaalla dalka Ecuador , sida ay sheegtay waaxda xabsiga ee dawladdu.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Nin hubeysan oo shiinaha dad ku laayay Ugu yaraan 35 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen 43 kalana ay dhaawacmeen, kaddib markii nin 62 jir ah uu baabuur uu watay jiirsiiyay dad badan oo hor dhoobnaa goob lagu dheelo ciyaaraha kala duwan oo ku taalla magaalada Zhuhai ee koofurta Shiinaha.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Mareykanka oo duqeeyay fariisimo ciidan oo ku yaalla dalka Suuriya Milateriga Mareykanka ayaa qaaday weeraro ka dhan ah bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Suuriya, tillaabadaas oo taliska dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) uu ku sheegay inay jawaab u ahayd weerarro ugu ciidamada Mareykanka ay ku soo qaadeen kooxo xulafo la ah Iran oo dalkaas ka howlgala.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Trump oo xilalkii ugu horreeyay magacaabay Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa magacaabay Thomas Homan oo horey u ahaa ku simaha Madaxa Waaxda Socdaalka, inuu noqdo Agaasimaha Arrimaha Xuduudaha Mareykanka.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Maxaa looga hadlay wada hadalladii ugu horreeyay ee dhexmara Trump iyo Putin? Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa wada-hadalkii ugu horreeyay ee telefoonka ah la yeeshay madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Qatar oo ku dhawaaqday in ay joojisay doorkeeda dhexdhexaadinta Xamas iyo Isra’il Dowladda Qatar ayaa ku dhawaaqday in ay hakisay dadaalkii ay ku laheyd dhexdhexaadinta wadahadallada muhiimka ah ee lagu rabay in xabad joojin lagu kala dhex dhigo Isra’il iyo Xamaas, si loo soo afjaro dagaalka Gaza.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Rabshado ka dhacay doorashadii dhowaan ka dhacday Mozambuque oo weli socda iyo dad ku geeriyooday Rabshado ka dhashay doorashadii horraantii bishii oktoobar ka dhacday Moazambique oo murashaxa xisbiga talada haya ee frelimo la sheegay inuu ku soo baxay ayaa weli dalkaas ka socda, kuwaas oo sababay waxyeello baaxad leh.