Dowladda Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday inay hoos u dhigayso saanadda ciidan ee ay siiso ama ka iibiso maamulka Israa’iil, ayadoo sheegtay inay joojinayso 30 ka mid ah 350-ka shatiyada hubka ah ee ay u dhoofiyo Israa’iil, sababa la xariira halis ka dhalan karta iyo waxyaabaha shuruucda caalamiga ah iyo bini’aadantinimada ka baxsan ee loo adeegsado qalabkaas militari.