Iran oo Hawada u dirtay dayax-gacmeed cusub oo cilmi-baaris ah Dowladda Iran ayaa hawada sare u dirtay dayax gacmeed cusub oo cilmi baaris ah, kaas oo ku duulaya wareeg jawiyeedka orbit-ka, warbaahinta dowladda ayaana sheegtay in tallaabadani ay tahay mid lagu hormarinayo barnaamijkeeda hawada, ayadoo aan dheg jalaq u siinayn dhaleeceynta iyo diidmada dalalka reer galbeedka. 1 daqiiqo
1 daqiiqo 250,000 xirfadleyaal caafimaad oo u dhashay Kenya oo shaqo ka heli doona dalka Jarmalka Dowladdaha Kenya iyo Jarmalka ayaa kala saxiixday Heshiis cusub oo ka kooban qodobo muhiim ah oo loogu tala galay in sare loogu qaado shaqo abuurka Xirfadlayaasha Kenya.
1 daqiiqo AKHRISO: Afar qodob oo laga soo saaray Shirka Gaalkacyo uga socda Puntland iyo Galmudug Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa xalay kulan labo geesood ah ku yeeshay magaalada Gaalkacyo, iyadoo shirkaan lagu lafa-guray qodobbo muhiim ah.
1 daqiiqo Shilalka gaadiidka ee ka dhaca Puntland oo kordhay Sida ay sheegeen Ciisanka ilaalada Wadooyinka Puntland waxaa sare u kacay tirada shilalka gaadiid ee dhacay Puntland bilihii lasoo dhaafay
1 daqiiqo Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda oo kulan la yeeshay Danjiraha Norway iyo Qunsulka Socdaalka ee Safaaradda dalkaas Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda mudane Axmed Saciid Maxamed ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Safiirka dowlada Norway u fadhiya Soomaaliya mudane Carsten Carlsen iyo Qunsulka Socdaalka ee Safaaradda Norway Marwo Catherine Fari.
2 daqiiqo Maxkamada Ciidanka oo ku dhawaaqday Xukunka Askar Dishay Sargaal ay dhaceen Dable Asluub Maxamed Axmed Cabdi “Musiibo Qaran” , Dable Xoogga Jaamac Cabdiqani Jaamac( oo maqane ah) iyo Axmed Daahir Cabdi “Qiiqaalka” (oo maqane ah), ayaa lagu soo eedeeyey Jidgooyo iyo dhac ay ka dhalatay Dhimashada Ex Labo Xidigle Cabuqaadir Muxudiin Aadan oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka, falkaasi oo dhacay Habeen ku Tariikheysan Lix iyo Tobanka bisha labaad ee Sanadkaan.
1 daqiiqo Mareykanka oo Masar siinaya taageero militari oo balaayiin dollar ku kacaysa Maamulka madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in ay Masar siin doonaan 1.3 bilyan oo doolar oo kaalmo militari ah, taas oo meesha ka saareysa walaaca laga qabo xadgudubyada joogtada ah ee ka dhanka ah xuquqda aadanaha ee lagu eedeeyo dowladda madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi
1 daqiiqo Qoys ka koobnaa nin iyo xaaskiis oo lagu diley gobolka Galgaduud Wararka ka imaanaya deegaanka Gaalyeel oo hoostaga magaalada Godinlabe ee Gobalka Galgaduud ayaa sheegay in dablay hubaysani ay xalay halkaas ku dileen nin iyo xaaskiisa
1 daqiiqo Galmudug: Dagaal beeleedyo ka socda dhowr goobood Colaad beeleedyo ayaa si aan kala joogsi laheyn uga socda inta badan deegaanada maamulka Galmudug kuwaasoo saameyn ku yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada.
1 daqiiqo Xeyndaabka garoonka Aadan Cadde oo laga mamnuucay dhismayaasha dhaadheer Xeyndaabka garoonka Aadan Cadde, ku yaal ee Muqdisho, ayaa laga mamnuucay dhismaha dabaqyo ka dheer hal-biyaano.