Jabuuti oo ku guuleysatay Gudoomiyaha cusub ee Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, ayaa loo doortay Guddoomiyaha Midowga Afrika kadib doorasho adag oo la galay 7 wareeg. Wareeggii ugu dambeeyay, Maxamuud ayaa helay 33 cod, isagoo ka adkaaday musharraxii ugu weynaa ee tartanka kula jiray, Raila Odinga oo ka socday Kenya. 1 daqiiqo
1 daqiiqo Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada guddoonka Midowga Afrika Magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka caasimadda dalka Itoobiya waxaa ka socata doorashada guddoomiyaha Midowga Afrika, oo ay hadda isugu soo hareen ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya Raila odinga iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Jabuuti.
1 daqiiqo Maxkamadda Gobolka Banaadir oo u yeertay hanti dhowraha guud ee qaranka Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa soo saartay amar maxkamadeed oo ka dhan ah Axmed Ciise Guutaale, Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka, iyada oo ku eedeysay inuu hor-istaagay fulinta go’aammo maxkamadeed.
1 daqiiqo Xamaas oo maanta sii deynaysa 3 kamid ah la-haysteyaasha Israa’iil Kooxda wax iska caabinta falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa maanta sii daynaysa 3 kamid ah Israa’iiliyiinta ay ku hayaan marinka Qasa, taas oo qeyb ka ah heshiiska xabbad-joojinta ah ee labada dhinac.
1 daqiiqo In ka badan 70 urur diimeed oo Trump ugu baaqay inuu joojiyo Barakicinta dadka Qasa In ka badan In ka badan 70 urur diimeed oo gudaha Mareykan ka dhisan, islamarkaana u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ugu baaqay Trump inuu ka laabto qorshaha lagu barakicinayo dadka reer Qasa.
1 daqiiqo Sweden oo xukun ku riday nin u safray Daacish-ta Soomaaliya Maxkamad ku taalla Sweden ayaa xukun saddex sano iyo saddex bil oo xabsi ah ku riday nin lagu helay inuu ku biiray kooxda Daacish (IS), taasoo ka dhigaysa kiiskii ugu horreeyay ee lagu xukumo ka mid noqoshada koox argagixiso tan iyo markii la meel mariyay sharci cusub.
1 daqiiqo Markab dagaal oo Mareykanku leeyahay oo ku dhacay markab ganacsi Ciidamada badda ee Maraykanka ayaa ku sheegay in marka dagaal oo ay leeyihiin, laguna magacaabo Harry Truman uu ku dhacay markab ganacsi oo marayey meel u dhow dekedda Port Said ee waqooyiga Masar.
1 daqiiqo Maxkamad ku taalla Koonfur Galbeed oo goob Fagaare ah ku fulisay xukun dil ah Maanta, Maxkamadda Gobolka Baay ayaa xukun dil toogasho ah ku fulisay Isaaq Aadan, oo horey u dilay Marxuum Aadan Maxamed.
1 daqiiqo Culumada Azhar oo ku baaqay in la taageero mowqifka Masar ee ku aaddan dib u dhiska Qasa Culumada Jaamacadda Al-azhar Al-Shariif oo kamid xurumaha diineed ee ugu waaweyn dunida Islaamka ayaa ku baaqay in la taageero mowqifka dowladda Masar ee ku aaddan dib u dhiska marinka Qasa.
1 daqiiqo Israa’iil iyo Xamaas oo qaaday tillaabooyin hoos u dhigaya cabsidii laga qabay burburka xabbad-joojinta Maamulka Israa’iil iyo ururka wax iska caabinta falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa qaaday tillaabooyin hoos u dhigaya walaacii laga qaday in xabbad-joojinta marinka Qasa ay burburto ka dib markii labada dhinacba is diideen fulinta qodobo ku jiray heshiiska.