Somaliland oo shaacisay in 37,000 oo shil ay ka dhaceen deegaanadeeda Wasiirka Gaadiidka iyo Jidadka Somaliland, Cismaan Afgaab, ayaa soo bandhigay warbixin culus oo muujineysa khasaaraha baaxadda leh ee ka dhashay shilalka gaadiidka ee muddadii shan sano ee ugu dambeysay. 1 daqiiqo
1 daqiiqo War Degdeg ah: Xoogagga Taageerada Degdegga ah ee Sudan oo Ku Dhawaaqay Xabbad-Joojin Bini’aadantinimo oo Saddex Bilood ah Xoogagga Taageerada Degdegga ah (RSF) ee Sudan ayaa ku dhawaaqay xabbad-joojin bini’aadantinimo oo socon doonta saddex bilood, taas oo timid maalmo kadib markii taliyaha Ciidamada Dowladda Sudan, Abdel Fattah al-Burhan, uu diiday hindise caalami ah oo xabbad-joojin cusub ah.
1 daqiiqo Maxkamad ku Taalla Gaalkacyo oo Xukun Dil Ah Ku Riday Haweenay Lagu Eedeeyay Dilka Gabadh Ay U Shaqeynaysay Maxkamadda Darajada 1-aad ee Degmada Gaalkacyo ayaa maanta soo saartay xukun culus oo la xiriira kiiskii dilka Marxuumad Saabiriin Saylaan Cabdille Wees, kaasi oo si weyn looga hadal hayay gobolka Mudug.
1 daqiiqo NIRA oo shaacisay tirade rasmiga ah ee qaadatay karaka aqoonsiga qaranka Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee NIRA ayaa shaacisay in in ka badan hal milyan (1,000,000) oo qof ay ilaa iyo hadda qaateen Kaarka Aqoonsiga Qaranka, waxaana la xaqiijiyay in dhammaan dadkaas ay si bilaash ah ku heleen kaarka, iyadoo aysan jirin wax lacag ah oo laga qaadayo bulshada.
1 daqiiqo Israa’iil oo duqeyn ku dishay Sarkaal sare oo ka tirsan Kooxda Xisbullaahi Milateriga Israa’iil ayaa dilay xubin sare oo ka tirsan kooxda Xisbullah ee dalka Lubnaan kadib weerar dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen duleedka koonfureed ee magaalada Beyruut ee caasimadda Lubnaan, inkastoo xabbad joojin laga gaaray dagaalka Israa’iil iyo Xisbullah.
1 daqiiqo Mucaaradka Soomaaliya oo cambaareeyay xarigga nabaddoon Xalane Mucaaradka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareeyay xarigga dowladda Federaalka ay maanta ku qaaday nabaddoon Cabdirisaaq Nuur Xalane, xilli uu ka dhoofayay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
2 daqiiqo Trump oo laalay shuruucda ka ilaalin jirtay tarxiilka Soomaalida Minnesota Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaaciyey go’aan culus oo uu ku laalay dhammaan shuruucdii ilaalinaysay in aan la tarxiilin Soomaalida soogalootiga ah ee ku nool gobolka Minnesota.
2 daqiiqo Maxkamadda bulshada Bariga Afrika oo Joojisay Dhaarista 9 Xildhibaan ee Soomaaliya dirsatay Maxkamadda Bariga Afrika (EACJ) ayaa soo saartay amar ku meel gaar ah oo lagu joojinayo dhaariista sagaalka xubnood ee Soomaaliya u matali lahaa Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika (EALA), kadib markii la gudbiyey dacwad sharci oo ka dhan ah habkii loo soo xulay xubnahaas.
2 daqiiqo Dood ka dhalatay gabar wariye ah oo uu Trump ku tilmaamay Doofaar Hadal hayn xooggan ayaa ka dhalatay gabar wariye ah oo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku tilmaamay Doofaar.
2 daqiiqo Ciidamo Kenyan ah oo lagu dilay Qarax ka dhacay Garissa Labo ka tirsan ciidamada Border Patrol Unit ee Kenya ayaa maanta ku dhintay qarax miino oo ka dhacay waddada Liboi–Kulan ee gobolka Garissa, meel u dhow xadka Soomaaliya.