Madaxweynaha maamulka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Nairobi kulan muhiim ah kula yeeshay wakiillo ka socday Beesha Caalamka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Safiirrada iyo diblomaasiyiin sare oo matalayay Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, UK, Denmark, Norway, Canada, Germany, Sweden, iyo sidoo kale diblomaasiyiin ka tirsan safaaradaha Mareykanka, Switzerland, Finland, France, Netherlands iyo Bangiga Adduunka (World Bank).