Madaxweyne ku xigeenka Kenya oo sheegay inuu jiro khilaaf u dhexeeya asaga iyo madaxweynaha dalkaas Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya Rigathi Gachagua ayaa shaaca ka qaaday jiritaanka khilaaf xooggan oo u dhexeeya isaga iyo madaxweyne William Ruto, asagoo xaqiijiyay inuu wajahayo cadaadis iyo caqabado ka dhan ah awooddiisa fulineed. 1 daqiiqo
6 daqiiqo Maxay ka dhigan tahay taageerada Maraykanka ee Soomaaliya? Gobolka Geeska Afrika waxa uu xilligan dhex maquuranayaa loollan bilow ah laakiin aan la saadaalin karin halka uu ku dambeyn doono, waxaana murqahooda fidsanaya dalalka awoodda militari iyo tan dhaqaalaba horboodaya caalamka—oo ay ugu horreeyaan Maraykanka, Shiinaha iyo Ruushka.
1 daqiiqo Ugu yaraan 77 qof oo lagu diley weerar ka dhacay caasimadda dalka Mali ee Bamako Ugu yaraan 77 qof ayaa lagu dilay weerar ka dhacay caasimadda Mali ee Bamako, sida ay wakaaladda wararka ee AFP ka soo xigatay ilo xog ogoal ah oo ku sugan gudaha dalkaas.
1 daqiiqo Israa’iil oo gudaha caasimadda Lubnaan ee ku dishay abaanduule sare oo ka tirsan Xisbullah Israa’iil ayaa duqeyn shalay ay ka fulisay caasimadda Lubnan ee Beyruut ku dishay 14 qof oo uu ku jiray abaanduule sare oo ka tirsan ururka Xisbullah.
1 daqiiqo Dadka ku barakacaya gudaha Soomaaliya oo sii kordhay Joyce Msuya, oo ah Maareeyaha Kumeelgaarka ee Caawinta Degdegga ah, OCHA ayaa sheegay in $3 million ka mid ah Sanduuqa Jawaabta Degdegga ah loo qoondeyay Soomaaliya si loo xalliyo arrimaha dadka soo barakacay ee Soomaaliya.
1 daqiiqo Boqortooyada Sucuudiga oo sheegtay inaysan Israa’iil xariir la yeelan doonin ilaa helo qaran ay Falastiiniyiintu leeyihiin Dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan ayaa sheegay in dalkiisu uusan xiriir la sameyn doonin Israa’iil ilaa la dhisayo dowlad Falastiiniyiintu ay leeyihiin, taasoo dhabarjab ku ah dadaalka Mareykanka uu ku doonayo inuu labada dhinac heshiis caadi ah ugu sameeyo
2 daqiiqo Dhinacyada ku dagaalamaya dalka Suudaan oo sheegay inay diyaar u yihiin wada-hadallo nabadeed Ciidamada Suudaan iyo kuwa RSF-ta ayaa sheegay inay diyaar xal nabadeed oo laga gaaro dagaalka dalkaas socday in ka badan 17 bilood, iyaga oo ka jawaabaya baaqii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu ugu baaqay dhinacyada dagaallamaya in ay wada-hadallo nabadeed oggolaadaan.
1 daqiiqo Ra’iisul Wasaare ku xegeenka XFS oo kulan la yeeshay ereyga gaarka ah ee Geeska Afrika iyo badda cas u qaabilsan Ingiriiska iyo Danjiraha dalkaas u fadhiya Soomaaliya Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Geeska Afrika iyo Badda Cas ee Boqortooyada Britain, Alison Blackburne, oo ay weheliyeen Danjiraha Ingiriiska ee Soomaaliya, Mike Nithavrianakis.
1 daqiiqo Lix dhalinyaro ah oo Masaajid loogu dhex dilay aano qabiil Sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta Magaalada Wardheer Lix wiil oo dhallinyaro Xeroow ah ayaa lagu dilay Masaajid ku yaalla gudaha magaalada Wardheer ee caasimadda gobolka Doollo ee dowlad deegaanka Soomaalida.
1 daqiiqo Faahfaahinno ka soo baxaya qaabkii uu u dhacay weerarka isgaarsiineed ee ay Israa’iil ku qaatay Xisbullaahi Xogo iyo Faahfaahinno isi soo taraya ayaa ka soo baxaya qaabka uu u dhacay weerar dhinaca isgaarsiinta ah oo maamulka Israa’iil uu la beegsaday xubno ka tirsan ururka Xisbullaahi ee dalka Lubnaan.