Suuriya oo yeelatay Ra’iisul Wasaare KMG ah Muxammad Al-Bashiir ayaa noqday Ra’iisul Wasaaraha kumeel-gaar ah ee Suuriya, isagoo laga filayo inuu soo dhiso dawlad cusub oo maareysa marxaladda kumeel-gaarka ah ee Suuriya. 1 daqiiqo
2 daqiiqo Madasha Qaran ee Ilaalinta Badqabka Rayidka oo Si Rasmi ah Muqdisho looga furay Muqdisho ayaa martigelisay furitaanka Madasha Qaran ee Ilaalinta Badqabka Rayidka, oo ah kulan muhiim ah oo diiradda lagu saarayo xoojinta nabadgelyada rayidka Soomaaliyeed.
1 daqiiqo Trump oo ku hanjabay inuu ka bixi doono gaashaanbuurta NATO Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ku janjabay inuu isaga ururka gaashaanbuurta NATO haddii dalalka xubnaha ka ahi ay bixin waayaan dhaqaalaha looga baahanyahay
1 daqiiqo Warbaahinta Ruushka oo sheegtay in Bishaar Al-assad uu ku suganyahay Moosko Warbaahinta dalka Ruushka, gaar ahaan Kanaalka Koowaad oo soo xiganaya xubno ka tirsan aqalka Kremlin-ka ee dalkaas looga arrimiyo ayaa sheegay in Madaxweynihi Suuriya Bashar al-Assad iyo xubnaha qoyskiisa ayaa ku suganyihiin magaalada Mooskow
1 daqiiqo Ciidanka Israa’iil oo muddo 50 sano ah ka dib markii ugu horraysay Suuriya gudaha u galay Ciidamada maamulka Israa’iil ayaa markii ugu horraysay tan iyo sanadkii 1974-tii dalka Suuriya gudaha uga galay, ayadoo ka tallaabay xuduudka, islamarkaana fariisimaha ka samaystay gudaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Suuriya.
1 daqiiqo Xoogag mucaaradka Suuriya oo dadweynaha ugu baaqay inay ilaashadaan xarumaha danta guud Jabhadaha hubaysan ee saacado ka hor ku dhawaaqay inay la wareegeen xukunkii dalka Suuriya, islamarkaana ay soo afjareen maamulkii 54 sano jirsaday ee Bishaar Al-assad iyo Aabihiis Xaafid Al-assad ayaa dadweynaha dalkaas ugu baaqay inay ilaashadaan xarumaha danta guud, sidoo kalena aanay dhibaato u geysan dhismeyaasha ay ku shaqeeyaan ururrada caalamiga ah oo kuwa qaramada midoobey ugu horreeyaan.
1 daqiiqo Mucaaradka Suuriya oo ku dhawaaqay inay xukunka ka tuureen Bishaar Al-assad. Wararka imaanaya magaalo madaxda dalka Suuriya ee Dimishiq ayaa sheegay in xoogagga mucaaradka ay la wareegeen xurumaha dowladda iyo garoonka diyaaradaha, islamarkaana aan la garanayn meel uu jaan iyo cirib dhigay Bishaar Al-assad oo taniyo sanadkii 2000-dii xukunka hayay.
1 daqiiqo Militariga Suuriya oo ka baxay xarunta wasaaradda gaashaandhigga ee maagalada Dimishiq Sida laga soo xigtay Ilo wareedyo ka ag dhow mucaaradka hubeysan ee dalka Suuriya saraakiisha militariga ee maamulka Bishaar Al-assad ayaa isaga baxay xarunta wasaaradda gaashaandhigga iyo taliska ciidank guud ee magaalada Dimishiq.
2 daqiiqo Doon Shiinees ah iyo Shaqaallihii saarnaa oo Lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya Mas’uuliyiinta Puntland ayaa xaqiijiyay in doon laga leeyahay dalka Shiinaha oo ay saarnaayeen 18 shaqaale ah ay soo afduubteen kooxaha Burcad-badeedda Soomaalida.
2 daqiiqo Xaaladda dalka Suuriya oo faraha ka sii baxaysa iyo mucaaradka oo kaabiga ku haya caasimadda ah Dimishiq Xoogagga mucaaradka Suuriya ayaa maalmihii la soo dhaafay guulo iyo hormar baaxad leh ka samaynayay dagaalka ay kula jiraan militariga dalkaas, ayagoo qabsaday inta badan magaalooyinka waaweyn, gaar ahaan kuwa ku yaalla waqooyiga, bariga iyo bartamaha.