WAR DEG DEG: Eritrea oo si buuxda uga baxday Urur-Goboleedka IGAD Dowladda Eritrea ayaa maanta ku dhawaaqday in ay si rasmi ah uga baxday Urur-Goboleedka IGAD, kaddib markii ay ku eedeysay ururka “in uusan ka dhabeyn ujeedadii loo aas-aasey” isla markaana uu noqday “mid aan ka shaqeynin danaha guud ee gobolka.” 1 daqiiqo
2 daqiiqo Dowladda Soomaaliya oo si adag u beenisay inuu xariir kala dhexeeyo maamulka Israa’iil Dowladda Fedraalka Soomaaliya ayaa si adag u heenisay in uu xiriir ka dhexeeyo Israa’iil xili maalmihii la soo dhaafay Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Talaabiib ay sheegeen in xiriir la leeyihiin Soomaaliya
2 daqiiqo Wasiir Fiqi oo si kulul uga jawaabay aflagaadadiiTrump Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Ahmed Moallim Fiqi, ayaa si adag uga jawaabay hadallo weerar iyo yasid iskugu jiray oo Madaxweyne Donald Trump kula hadlay shacabka Soomaaliyeed intii uu ka hadlayay isu-soo-bax ka dhacay gobolka Pennsylvania ee dalka Mareykanka.
1 daqiiqo Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Shaaciyay Liiska Ururrada Siyaasadda ee soo gudbiyay Murashaxiinta Golaha Deegaanka Banaadir Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa si rasmi ah u shaaciyey liiska ururrada siyaasadeed ee soo gudbiyey murashaxiinta Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir.
1 daqiiqo Midowga Yurub oo $7 Milyan u Qoondeeyay Soomaaliya Midowga Yurub (EU) ayaa ku dhawaaqay in ay Soomaaliya ugu deeqday in ka badan $7 milyan oo gargaar cusub, si loo xoojiyo howlaha bani’aadantinimo loona dardargeliyo ilaalinta xuquuqda aadanaha. Tallaabadani waxay qayb ka tahay dadaallada caalamiga ah ee lagu taageerayo xasilloonida iyo dib u dhiska Soomaaliya.
1 daqiiqo Soomaaliya oo u Dabaal-degtay Tallaabo Taariikhi ah oo Ku Saabsan Xuquuqul Insaanka Shalay, Soomaaliya waxay u dabaal-degtay tallaabo taariikhi ah oo ka tarjumaysa horumar iyo biseyl dowladnimo, kaddib markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, uu saxiixay sharciga dhismaha Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.
2 daqiiqo Elon Musk oo Ilhan Omar ku eedeeyay Khiyaano Qaran kadib hadal ay u jeedisay Jaaliyadda Soomaaliyeed Elon Musk, madaxa shirkadaha Tesla iyo SpaceX, ayaa weerar afka ah ku qaaday Xildhibaan Ilhan Omar, isagoo ku eedeeyay “khiyaano qaran ” kadib hadallo hore oo ay Ilhaan ku sheegtay in ay ilaalin doonto danaha Soomaaliya xilli ay ku hadlaysay kulan ay la yeelatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota sanadkii 2024.
1 daqiiqo M23 oo Gacanta Ku Dhigtay magaalada muhiimka ah Uvira Fallaagada M23 ee ku sugan bariga dalka Congo ayaa sheegay inay hadda si buuxda ula wareegeen magaalada Uvira – oo ah magaaladii ugu dambeysay ee ay dawladdu gacanta ku haysay ee koonfurta gobolka Kivu.
2 daqiiqo Trump oo wali sii wadda hadalada Naceybka ah ee ka dhanka ah Soomaalida Mareykanka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa mar kale hadallo kulul oo weerar ah u jeediyay xildhibaan Ilhaan Omar iyo guud ahaan Soomaalida, xilli uu khudbad ka jeedinayay isu-soo-bax ka dhacay gobolka Pennsylvania shalay.
2 daqiiqo Maxaan ka ognahay Heshiiska Guddiga Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Qatar ay ku gaareen Qatar? Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Doha kaga qayb-galay kalfadhigii koowaad ee Guddiga Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Qatar.