1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Dawladda Suuriya iyo xoogagga Kurdiyiinta oo gaaray heshiis Xabbad-joojin ah Ciidamada dawladda Suuriya ayaa si buuxda ula wareegay gacan-ku-haynta inta badan waqooyi-bari dalka, kaddib dagaallo culus oo ay la galeen Ciidamada Dimuqraadiga Suuriya (SDF) oo ay hoggaaminayaan Kurdiyiintu.
2 daqiiqo Sheeko:War In ka badan 200 oo Muhaajiriin ah oo laga sii daayay xabsi qarsoodi ah oo ku yaalla Kufra Hay’adaha amniga ee dalka Liibiya ayaa Axaddii sii daayay in ka badan 200 oo muhaajiriin ah, kuwaas oo muddo dheer ku xirnaa xabsi qarsoodi ah oo ku yaalla magaalada Kufra ee koonfur-bari dalkaas.
2 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Kooxaha Gurmadka Indonesia oo Helay Burburka Diyaarad ay Saarnaayeen 11 Qof oo dhowaan la waayay Kooxaha samatabixinta dalka Indonesia ayaa Axaddii helay burburka diyaarad yar oo la rumeysan yahay inay ku dhacday dhul buuraley ah, iyadoo ay saarnaayeen 11 qof, xilli ay ku wajahneyd gobol buuro leh oo ku yaalla jasiiradda Sulawesi.
1 daqiiqo Sheeko:War Soomaaliya oo ka Qayb-gashay Shirka Caalamiga ah ee Cuntada iyo Beeraha Berlin Wafdi uu hogaaminaayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng. Maxamed Xasan Cabdulle, ayaa ka qayb galay Madasha Caalamiga ah ee Cuntada iyo Beeraha (GFFA) iyo Shirka 18-aad ee Wasiirrada Beeraha Adduunka oo lagu qabtay magaalada Berlin ee Dalka Jarmalka.
1 daqiiqo Sheeko:War Munaasabadda Caleema-Saarka Madaxweynaha Waqooyi Bari oo Laascaanood ka socota Waxaa maanta Laascaanood ka socota munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha iyo ku-xigeenka maamulka Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Trump oo Qoraal U Diray Al-Sisi, Kana Hadlay Doorka Mareykanka ee Xallinta Khilaafka Wabiga Niilka Trump ayaa xalay warqad u diray Madaxweynaha Masar, Cabdifatax Al-Sisi, isagoo muujiyay diyaar u ahaanshaha Mareykanka ee dhexdhexaadinta Masar iyo Itoobiya, si loo gaaro heshiis kama-dambeys ah oo ku saabsan biyaha Wabiga Niilka.
1 daqiiqo Sheeko:War DEG DEG: Tirada Askartii ku dhimatay weerarkii Mareykanku ku qaaday Caracas oo la shaaciyay Wasiirka Gaashaandhigga Venezuela, Vladimir Padrino, ayaa sheegay in 47 askari oo Venezuelan ah ay ku dhinteen weerarkii uu Mareykanku ku qaadeen caasimadda Caracas horraantii bishan, weerarkaasi oo sababay qabashada Madaxweyne Nicolás Maduro
1 daqiiqo Sheeko:War WAR DEG-DEG: Isbitaalka Sheekh Zayed ee Muqdisho oo mar kale wajahaya xiritaan MUQDISHO – Sida ay Goobjoog u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo Isbitaalka Sheekh Zayed ee magaalada Muqdisho ayaa mar kale qarka u saaran yahay inuu xirmo.
1 daqiiqo Sheeko:War Justin Davis oo Loo Magacaabay Ku-Simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Justin Davis, oo horey u ahaa ku-xigeenka madaxa howlgalka ee Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.
2 daqiiqo Sheeko:War DFS oo ka digtay in maamul goboleedyadu ay dalal shisheeye la galaan heshiisyo aan Dawladdu ogeyn Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga digtay in aan la geli karin heshiisyo aanay iyadu ogeyn, gaar ahaan kuwa lala galayo dowlado shisheeye, iyadoo ku adkeysatay in tallaabo kasta oo ka baxsan oggolaanshaha dowladda dhexe ay tahay mid wax u dhimaysa qarannimada dalka.