Ugu yaraan 11 qof ayaa lagu diley rabshado ka dhacay dalka mozambique Ugu yaraan 11 qof ayaa lagu dilay rabshado ka dhashay natiijada doorashadii madaxtinnimo ee dhowaan ka dhacday dalka Mozambique sida ay sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Human Rights Watch. 1 daqiiqo
1 daqiiqo Ganacsato ku hanti beelay dab ka kacay Muqdisho Xalay dab ayaa ka kacay xarumo ganacsi oo ku yaalla isgoyska Shaqaalaha, kuwaas oo lagu iibin jiray qalabka elektarooniga iyo maqaayad ku dhowayd goobtaas. Dabku wuxuu si gaar ah u saameeyay carwo lagu iibin jiray mobillada cusub iyo cilad-bixinta.
1 daqiiqo Mareykanka ayaa sheegay in Kuuriyada waqooyi ay Ruushku u dirtay in 10 kun oo askari oo qeyb-galaya dagaalka Ukraine Waaxda gaashaandhigga mareykanka ayaa sheegtay in kuuriyada waqooyi ay Ruushka u dirtay in ka badan 10,000 oo askari si ay u biritaaraan xoogagga dagaalka kula jira ciidamada dalka Ukraine.
1 daqiiqo Wasiirka gaashaandhigga XFS oo kulan la yeeshay ergayga gaarka ah ee Jarmalka u qaabilsan arrimaha geeska Afrika Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee dowladda Jarmalka u qaabilsan Geeska Afrika Amb. Heiko Nitzschke.
1 daqiiqo Dadka ku dhintay dagaalka marinka Qasa oo 43 kun oo qof sare u dhaafay Dadka ku dhintay duullaanka iyo duqeymaha arxan-darrada ah ee maamulka Israa’iil uu ka wado marinka Qasa ayaa 43 kun oo qof sare u dhaafay, tan iyo bishii oktoobar sanadkii 2023.
1 daqiiqo Kooxo hubeysan oo dhalinyaro ku dilay Muqdisho Kooxo hubeysan ayaa Afar dhalinyaro ah ku toogtay goobo ganacsi oo ku yaalla degmada Yaaqshid ee gobolka Benaadir.
1 daqiiqo Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay Iskaashiga labada dal Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, Amiir Faisal bin Farhan, ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Axmed Macallim Fiqi.
1 daqiiqo Qaramada midoobi oo walaac ka muujisay sarraynta heerka dhimashada ee dagaallada Qasa iyo Lubnaan Ciidamada Israel ayaa saacadihii la soo dhaafay ugu yaraan 53 qof ku dilay marinka Qasa, halka dalka Lubnaana ay xasuuqeen 21 qof, iyadoo madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu muujiyay naxdinta heerarka dhimashada, dhaawaca iyo burburka ee waqooyiga Qasa.
2 daqiiqo Laamaha nabad-gelyada Kenya oo soo bandhigay sawirka iyo xogta eedeysanaha koobaad ee loo haysto dilkii gabdhaha Soomaaliyeed Dembi baarayaasha dalka Kenya ee u howlan daba-galka dilkii foosha xumaa ee gabdhaha Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay wejiga tuhmanaha ugu weyn ee ka dambeeyay dilkii foosha xumaa ee 24-kii October ka dhacsy xaafadda Islii, kaas oo si bahalnimo ah loogu qur-gooyay labo dumar ah iyo gabar yar oo dhammaantood Soomaali ah.
1 daqiiqo Soomaaliya oo garab istaagty Iran ka dib Weerarkii Tehran Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareysay weerarkii Israa’iil ku qaaday Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan shalay Subax.