Muqdisho – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Cali-Xoosh), ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda magaalada Laascaanood ee xarunta Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.