1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Shir Madaxeed degdeg ah oo madaxda Carabtu ka yeelan lahaayeen xaaladda Qasa oo dib loo dhigey Shir degdeg ah oo ay madaxda dalalka Jaamacadda Carabtu 27-ka bishan ku yeelan lahaayeen magaalada Qaahira, kaas oo diiradda lagu saari lahaa xaaladda marinka Qasa ayaa dib loo dhigay.
1 daqiiqo Sheeko:War Soomaaliya iyo Itoobiya oo maanta ku shiray Ankara Wajiga koowaad ee wadahadallada farsamo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, oo qayb ka ah Bayaan-wadajirka Ankara ee la ansixiyay 11-kii Diseembar 2024, ayaa maanta ka qabsoomay magaalada Ankara.
1 daqiiqo Sheeko:War Carruurta aqoonta ah ee ciidanka booliska Soomaaliyeed oo loo dhisayo dugsi qur’aan casri ah Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa dhagax dhigay dhismaha dugsi Qur’aan oo si casriyeysan loogu dhisayo Caruurta agoonta ah ee ciidanka boliiska.
1 daqiiqo Sheeko:War Kooxo hubeysan oo qoys xoolo dhaqato ah ku laayay Galgaduud Saakay aroortii ayaa koox hubeysan oo kasoo jeeda deegaanka Wabxo waxay weerar gaadmo ah ku qaadeen qoys kasoo jeeda Guriceel oo daganaa inta u dhexeysa deegaanada Ceel-Yaasiin iyo Ceel-baxaay.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Mareykanka ayaa sheegay inuu duqeymo ka dhan ah Al-qaacidda ka fuliyay Suuriya Mareykanka ayaa sheegay inuu duqeymo ka dhan ah kooxda Al-qaacidda ka fuliyay gudaha dalka Suuriya, sida laga soo xigtay maamulka Trump
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Shil diyaaradeed oo ka dhacay Canada Diyaarad rakaab wadday oo ay leeday shirkadda Delta Air Lines ee dalkan Mareykanka ayaa shil ku gasnay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Toronto, shilkaas oo dhaliyay dhaawac soo gaaray ilaa 19 qof oo ay ku jiraan saddex ruux oo ay xaaladdoodu aad u liidato.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Dalalka Yurub oo si weyn isugu khilaafsan in ciidamo nabad ilaalin ah loo diro Ukraine Dalalka Yurub ayaa si weyn isugu khilaafsan in ciidamo nabad ilaalin ah la geeyo dalka Ukraine oo dagaalka ka socdaahi uu hadda galayo sanadkii afaraad oo xariir ah.
1 daqiiqo Sheeko:War Madaxweyne Deni oo bogaadiyay gurmad loogu talagalay dagaalka Daacish oo ay Puntland ka heshay Galmudug Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qaabilay wafdiga ka socday Galmudug, kuwaasi taakulo iyo garab istaag u muujiyey ciidanka dagaalka kula jira kooxda Daacish.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Ugu yaraan 9 qof oo ku geeriyooday Mareykanka, ka dib duufaanno ku dhiftay gobollo dalkaas kamida Ugu yaraan 9 qof ayaa dhintay , kuwaas oo siddeed ka mid ahi ay ku sugnaayeen gobolka Kentucky, ka dib markii ay saameeyeen qaboowga daran ee xilliga jiilaalka iyo daadad ka dhashay roobab ka da’ay gobollo dhowr ah oo ku yaalla Mareykanka.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Ugu yaraan 48 qof oo ku dhintay god dahabka laga qodo oo ku yaalla Mali Ugu yaraan 48 qof ayaa ku dhintay burburka goob dahabka laga godo oo ku taalla dalka Mali ee galbeedka Afrika, sida laga soo xigtay booliska