Warbaahinta ku hadasha afka Carabiga, gaar ahaan shabakadda Sawt El Ghad ee ka soo baxda magaalada Ramallah ee dhulka Falastiiniyiinta la haysto, ayaa dhawaan baahisay warbixin sheegaysa in madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu qorsheynayo in Falastiiniyiinta laga soo barakicinayo marinka Qasa la dejiyo dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya iyo Marooko.