Ciidamada Dowladda Oo Xiray Qeyb Ka Mid Ah Wadada Makka Al-murrama Ee Magaalada Muqdisho (Dhageyso)

Sanabka_muqdishoWaxaa maanta xiran qeyb ka mid ah wadada Makka Al-mukarrama ee Magaalada Muqdisho, iyadoo halkaasi loo diidayo gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka ah ee Shacabka adeegsadaan.

Wariyaha Goobjoog Fm, Maxamuud Cismaan Warsame oo soo maray wadadaasi ayaa sheegay in ay xiran tahay inta u dhaxeyso Igoysyada Tiyaatarka iyo Dabka.

Dadka ku dhaqan magaalada oo aad moodo in ay la qabsadeen arintaasi ayaa sida caadiga ahba bilaabay in ay dhanka xaafadaha maraan, iyadoo inta ay ka xiran tahay wadada ay ciidamo badan ku sugan yihiin.

Sababta rasmiga ah ee arintaan lama oga, maxaa yeelay illaa iyo hadda lama soo sheegin kulan ay yeelanayaan xildhibaanada Baarlamaanka, iyadoo xilliga Baarlamaanka kulmayo la xiri jiray wadadaan.

Hadaba Halkaan Hoose Ka Dhageyso Wariyaheena Maxamuud Cismaan Warsame oo sharaxaad ka bixinaya qaabka wadadaasi ay u xiran tahay.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW