Qeybdiid “Haddii Aanu Dastuur Jirin Walaahowga Aan Ku Noolnahay Kama Baxayno”

Guddiga dastuurka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in muhiim ay tahay qabyo tirka dastuurkan si looga baxyo caqabado badan oo hadda jira.

Guddoomiyaha guddiga, Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa sheegay in dastuurka oo la dhameystiro ay tahay iyadoo la xalliyey caqabado badan oo dalka muddo horyaallay.

Wuxuu sheegay haddii aan dastuurka la dhammeystirin in mar walbo lagu jiri doono walaahow iyo waxyaabo aan shacabka Soomaaliyeed marnaba u dan ahayn.

Sidoo kale, Qeybdiid ayaa sheegay in waqtiga oo aad u yar dartiis loo baahan yahay in cid walbo kaalinteeda ka qaadato dhammeystirka dastuurka KMG ah ee dalka u yaalla.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News

Related Articles

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW