U bood dhigaalka

Qeybdiid Oo Gaalkacyo Kulamo Kula Leh Waxgaradka Halkaasi Ku Nool (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

QeybdiidMadaxweynaha maamulka Gal-mudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa magaalada Gaalkacyo kulamo kula leh qaar ka mid ah waxgaradka ku dhaqan magaaladaasi, isaga oo kala hadli doono arimo u badan ka qeybgalka dhismaha maamulka Mudug iyo Gal-gaduud.

Sidoo kale Qeybdiid ayaa Odayaashaan kala hadli doona arimo ku aadan sidii ay u wada noolaan lahaayeen shacabka wada dega Mudug, loona baabi’in lahaa colaado ka jira deegaano ka mi dah gobalkaasi.

Shalay ayuu Madaxweynaha Gal-mudug ka degay Garoonka Cadaado, waxaana safar dhanka dhulka ah uu ku tagay deegaano Mudug ka tirsan oo dagaalo ka dhaceen, isaga oo halkaasi kula soo kulmay waxgaradka jooga.

Dhanka kale Waxa uu bulshada Gaalkacyo uu kala hadli doonaa sidii ay si mid ah u taageeri lahaayeen maamulka dhawaan la filayo in loo sameeyo gobalada Mudug iyo Gal-gaduud.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News